WARARKA SOOMAALI

Safaarada Somalia ee dalka Suudaan oo la bililqeystay & Xogta laga helay

Ciidamo ka tirsan kuwa gurmadka Deg-dega ah ee RSF kana dagaalamaya dalka Suudaan ayaa bililqeystay Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku laheyd dalkaas iyo Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed.

War-saxaafadeed ay soo saareen Taliska ciidanka Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan gudaha ay u galeen ciidanka RSF, isla markaana ka qaateen qalab muhiim ahaa iyo decumentiyo yaallay gudaha Safaaradda.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim ayaa xaqiijiyay in la bililqeystay xarunta Safaaradda, oo ay warkaan u sheegeen dad deris la’ ah Safaaradda, isagoo intaas kusii daray in xarunta laga qaatay waxyaabo badan.

“Waxaa naloo sheegay inay jabiyeen albaabka hore iyo kan dambe ee safaaradda. Sidoo kalena ay galeen dabaqii hoose oo ay ku yaalleen xafiisyo iyo maktabad yar. Laakiin aysan la kulmin wax ay qaataan,” ayuu yiri safiirka.

Sidoo kale Safiir Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo kaliya aysan gelin ciidanka hubeysan ee ka dagaalamaya Suudaan oo ay galeen meelo kale oo ay kamid tahay Xarunta Ergada Hawlgalka QM ee  Nabad-Ilaalinta ee dalka Sudanta Koonfureed.

Isbuucii 4-aad ayuu galay Dagaalka u dhexeeya Ciiddamada kala taabacsan Madaxa Guddiga Milliteriga ee haya Talada dalka Suudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF oo u daacad ah Jeneralka fallaagoobay, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.

Safaarada Somalia ee dalka Suudaan oo la bililqeystay & Xogta laga helay
To Top