WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Imaaraadka soo tababaray oo lagu Qarxiyey Muqdisho & khasaaraha

Faah faahino ayaa soo baxaya qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog fog ee Remote Kontoroolka oo fiidnimadii Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tateedisho degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxa lala beegsaday gaari Tikniko ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro ah ee lagu wareejiyay amniga Muqdisho, waxaana qaraxu qabsaday, xiili ay marayeen waddo laami ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoog leh, inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhimatay qaraxa, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen lix aksari oo kale, Dhaawacyada Askarta ayaa loola cararay Isbitaalo ku yaal Muqdisho.

Ciidamo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugida ayaa duradii goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray, isla markaana sameeyay howlgalo ay kusoo qabteen rag dhalinyaro ah oo looga shakiyay falka qaraxii caawa ka dhacay deegaanka Tateedisho degmada Kaxda.

Amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, waxaana qaraxaan uu noqonayaa midkii ugu horeeyay ee khasaare culus lagu gaarsiiyo ciidanka Boolis Milataaro oo lagu soo tababaray dalka Uganda.

Ciidanka Imaaraadka soo tababaray oo lagu Qarxiyey Muqdisho & khasaaraha
To Top