WARARKA SOOMAALI

Saraakiil & Ciidamo badan oo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC

Waxaa Maanta magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool gaaray oo lagu soo dhaweeyay sarkaal sare iyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo kasoo goostay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ee duullaanka kusoo qaaday Laascaanood.

Sarkaalka iyo ciidanka la socday oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa waxaa Laascaanood kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka SSC, isla markaana waxa ay ka mahadceliyeen soo dhaweynta loo sameeyay, kadib markii ay kasoo goosteen Somaliland.

Sarkaalka ayaa waxa uu kamid ahaa ciidamadii uu hogaaminayay Mahad Cambaashe ee bilo kahor dagaal xooggan looga saaray magaalada Laascaanood, isla markaana waxa uu sidoo kale ahaa Abbaanduulihii Qeybta 7-aad ee ciidamada maamulka Somaliland.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada isaga soo baxay Somaliland ee Maanta toos ugu biiray ciidanka SSC ay saldhigo ku lahaayeen deegaanada Samakaab iyo Yagoori oo ay muddo dheer joogeen.

72 saac ee lasoo dhaafay, Somaliland ayaa weyday in ka badan 6 mas’uul oo katirsanaa maamulkooda, kana soo jeeday deegaanada SSC, waxayna kala baxeen Maamulkaas 16 baabuurta dagaalka ah iyo ciidamadoodii.

 

Saraakiil & Ciidamo badan oo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC
To Top