WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Xaalad adag oo ka taagan Baladweyne & Barakacii xoogaa oo socda

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa fatahaad ka sameeyay webiga Shabelle oo ku fatahay xaafaddo badan oo kamid ah magaaladaas, waxaana ka bilowday Baladweyne barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka deegaanka.

Webiga ayaa ku fatahay xaafaddaha Xaawo Taako, Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo Weyn, waxa ayna dadkii ku dhaqnaa xaafadahaasi bilaabeen in ay u qaxaan xaafado kale oo magaalada iyo bannaankeeda ku yaalla.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wabiga Shabelle uu jabiyay karkaarada, , isla markaana biyaha wabiga ay dhex ceegaagan guryaha. Sidoo kale biyaha ayaa saameyn ku yeeshay isku socodka meelaha qaar ee magaalada Baladweyne .

Barakacan ka bilowday magaalada Baladweyne ayaa imaaneysa xilli Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ku sugan yahay magaaladaasi uu shalay safar shaqo ku tagay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.

DAAWO: Xaalad adag oo ka taagan Baladweyne & Barakacii xoogaa oo socda
To Top