WARARKA SOOMAALI

DAAWO: NISA oo fashilisay Weerar lala damacsanaa Goob ku taal Muqdisho

Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay in la fashiliyay 6-dii bishan May shabakad ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq dhaqaaqa ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe lasoo dhaafay soo hagaagayay, isla markaana aanu ka dhicin weeraradii qaraxyada ahaa ee Al-Shabaab ka geysan jirtay gudaha magaalada, sidoo kale waxaa hoos u dhacay dilalka.

DAAWO: NISA oo fashilisay Weerar lala damacsanaa Goob ku taal Muqdisho
To Top