WARARKA SOOMAALI

MUUQAAL: Guddoomiye Cali Jeyte oo xayiraad saaray degaano ay AS joogaan

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in Maanta, kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baladweyne ama Buulaburte oo raashin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan gaadiidleyda ku xad-gudba amarkaasi uu soo saaray, isla-markaana ay la wareegi doono gaariga iyo wixii saaran.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Si kastaba, Galbeedka Gobolka Hiiraan  ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in kooxda looga saaro deegaanada ay ka joogaan halkaasi.

MUUQAAL: Guddoomiye Cali Jeyte oo xayiraad saaray degaano ay AS joogaan
To Top