WARARKA SOOMAALI

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta la xiray, xilli loo diyaar garoobayo Ciida

Waxaa Maanta la xiray qaar kamid ah waddooyinka waaweyne ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la geeyay Ciidamo farabadan oo isugu jira Boolis iyo kuwa loo yaqaano Koofi-gaduuda oo ah ilaalada gaarka ee madaxtooyada.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah jidka Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, halkaas oo lagu arkayo gaadiidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ayaa gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan wadada, isla markaana waxaa waddooyinka la xiray loo ogolyahay oo kaliya gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee wadada loo xiray, waxaana dadka ay yihiin kuwa cagtooda ku gaaraya goobahooda Ganacsi iyo Waxbarasho, Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay dadweyne fara badam oo isku diyaarinayay Ciidul Fidriga, kuwaas oo kasoo adeegan lahaa suuqyada Muqdisho.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale waddooyinka loo xiray wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo todobaadkii hore booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya.

Waddooyinka Muqdisho oo Maanta la xiray, xilli loo diyaar garoobayo Ciida
To Top