WARARKA SOOMAALI

Shir looga hadlay xakameynta Hubka Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka qabsoomay Shir looga hadlaayay amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominayay Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta Amniga iyo hirgelinta Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladdu.

Kulanka ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka.

Wasiiru dowlaha Amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Cali Xagaa ayaa hay’adda amniga faray inay sii xoojiyaan sugida amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si looga hortego falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhici kara.

Xeerka Xakameynta Hubka Caasimada, ayaa isna la falanqeeyay lana sharaxay sida loo fulinayo, Guddoonka Maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa si faahfahsan uga hadlay fulinta xeerkan si Amniga iyo Xasiloonida loo xaqiijo.

Shir looga hadlay xakameynta Hubka Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho
To Top