WARARKA SOOMAALI

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud

Howlgal gaar ah oo ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ay ka sameeyeen deegannada Ceel Qansax & Ceel Huyun oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa duhurnimadii manta ka dhacay deegannada Ceel Qansax & Ceel Huyun, waxaana dagaalkaas uu ka danbeeyay, kadib markii ciidanka ay weerar ku qaadeen Shabaabka.

War Qoraal ah oo lagu daabacay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka ee dhacay lagu dilay 9-xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyadoo dadka la dilay uu ku jiray Cartan Iley oo ahaa Gacan-yaraha Koba kutukade.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ka dhan ah Shabaabka ka wada degaanno baban oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halkaa oo ay ciidamada gacanta ku dhigeen degaanno horay gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.

Shalay ayey aheyd markii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Jeneraal Cabdullaahi Caanood  uu ku dhawaaqay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaanka Budbud oo ay muddo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Galgaduud
To Top