WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo Maanta Al-Shabaab degaan muhiim & DF oo War soo saartay

Ciidanka xoogga dalka oo kaashaanaya ciidanka deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaano ayaa maanta oo sabti ah waxa ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga si buuxda ula wareegeen Budbud, kadib markii ay isaga baxeen Shabaabkii joogay.

Sidoo kale, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay howlgallo maalmihii u dambeeyay ay wadeen in ay gacanta ku dhigaan deegaanada Ceel Axmed, Saban-sablaale iyo  Ceel Cali Xasan oo dhammaantood hoostagta degmada Galcad ee Gobolka Galguduud.

General Cabdullaahi Cali Caanood oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tani tahay guulo  kale oo laga gaaray Al-Shabaab, isla-markaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay billowdo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab kala wareegaan deegaano hor leh.

Ciidanka Xoogga oo Maanta Al-Shabaab degaan muhiim & DF oo War soo saartay
To Top