WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo Maandooriye tirro badan ku qabtay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa deegaanka Gubadleey kusoo Bandhigay daraasiin Jawaano Maandooriye ah.

Howlgalkaan lagu qabtay Maandooriyaha ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gubadleey iyadoona gacanta lagu dhigay 31 Jawaan Maandooriyaha nuuca loo yaqaan Xashiishka iyo gaarigii uu ku rarnaa

Goob barxad ah oo kutaalla deegaanka Gubadley ayaa lagu gubay maan-dooriyaha ay qabteen ciidamada ammaanka, waxaana dadkii lala qabtay maan-dooriyaha loo gudbiyay xabsiga.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalamayaan maan-dooriyaha uu sheegay in qeyb ka yahay falalka ammaan daro ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa uuna digniin u diray dadka ka ganacsadaha maan-dooriyaha.

Ciidanka Amniga oo Maandooriye tirro badan ku qabtay Magaalada Muqdisho
To Top