WARARKA SOOMAALI

RW ku-xigeenkii hore ee Somalia oo geeriyooday & MW Xasan oo ka hadlay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka ahaana Wasiirkii hore ee Arrimaha dibbadda  ee Soomaaliya Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa manta ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen geeridiisa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Labo jeer ayuu Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ka soo noqday dowladdihii KMG ee lagu soo dhisay Carte-Jabuuti iyo Mbagathi-Kenya. Sidoo kale waxaa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

RW ku-xigeenkii hore ee Somalia oo geeriyooday & MW Xasan oo ka hadlay
To Top