WARARKA SOOMAALI

Isimada dhaqanka ee SSC oo War kasoo saaray magacaabista C/kariin Guuleed

Isimada dhaqanka ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray magacaabista Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo laga dhigay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Isimada dhaqanka ee SSC ayaa Warka ay soo saareen marka hore soo dhaweeyay magacaabista Ereyg Cabdikariin Guuleed, iyagoona sheegay inay ka rajeynayaan in mas’uuliyada loo idmaday  uu guto.

Sidoo kale Isimada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay dadaalada uu ku bixinayo sidii xal loogu heli lahaa arrinta Maamulka Somaliland.

Gaba-gabadii Isimada dhaqanka ee SSC ayaa caddeeyay in aysan Khaatumo ka mid aheyn, kana mid noqon doonin Maamulka Somaliland. “Waxaan ka mid nahay Soomaaliya, waxaanna aaminsan nahay sugnaanshaha xuduudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in ay yihiin lama-taabtaan” ayaa lagu yiri Warka ay soo saareen Isimada.

Dhanka kale waxaa horay magacaabista Cabdikariin Xusee Guuleed horay usoo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabid, isaga oo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dhanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Isimada dhaqanka ee SSC oo War kasoo saaray magacaabista C/kariin Guuleed
To Top