WARARKA SOOMAALI

Weerar Qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland & AS oo…

Al-shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo saaka ku qaaday saldhig ciidanka xoogga iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin, deegaanka Jannaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka ka dhashay isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka kadib ayaa waxaa bilowday dagaal xooggan oo dhexmaray ciidankii ku sugnaa saldhiga iyo Al-shabaab weerarka soo qaaday, saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab.

In ka badan 5 Askari ayaa ku dhintay weerarkii lagu qaaday Saldhiga Jannaay Cabdalle, halka dhowr Askari kalena ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana war kasoo saartay weerarkaas oo dhacay arroornimadii hore ee Maanta oo talaado ah.

Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii Janaay Cabdalle ay barbar socdeen weeraro kale oo lagu beegsanayay ciidamo gurmad ah, islamarkaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal oo gaaraya 20, sida uu sheegay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gabi ahaanba xerada oo ay cagta marisay ciidamadii saldhiggaasi ku sugnaa, balse majirto illo madax-banaan oo xaqiijin kara sheegashada dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Weerar Qaraxyo oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland & AS oo…
To Top