WARARKA SOOMAALI

Boqolaal Muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyey, xilli ay khatar weyn la kulmi rabeen

Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga ayaa waxay shalay oo jicmo aheyd shaaciyeen inay 211 Muhaajiriin laga soo badbaadiyey meel 28 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Jesiirada Lampedusa ee dalkaasi.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa lagu xusay inay Muhaajiriinta oo la socday dooni Kalluumeysi ay khatar ugu jirtay inay Mowjadaha kacsan la tagaan.

Mid ka mid ah Muhaajiriinta ayaa loo dhiibay Booliska Talyaaniga,  kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu Mukhalas ahaa.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey 211 qof oo Muhaajiriin ah ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Axadii la soo dhaafay ay dooni ku degtay Xeebaha Koonfurta Talyaaniga.

Ugu yaraan 68 mayd ah ayaa la helay, halka 8 kalena la la’ yahay.

Boqolaal Muhaajiriin ah oo la soo badbaadiyey, xilli ay khatar weyn la kulmi rabeen
To Top