WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa gelinkii dambe ee galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Kismaayo
To Top