WARARKA SOOMAALI

Yaa kusoo baxay Doorashada kursigii Fahad Yaasiin ee Maanta ka dhacday Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday doorashada Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086, waxaana ku tartamayay labada murashax ee kala ah  Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed.

Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka Doorashada ayaa aheyd 98, Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay.

Sidaas ayuu Dr Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 086.

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa horey ugu guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee Hop086, hayeeshee Guddigii doorashooyinka ee xiligaas ayaa laalay doorashadii ka dhacday Baladweyne.

Kursiga Golaha Shacabka ee Baarklamaanka ee tirsigiisu yahay HOP 086 ayaa deegaan doorasahadiisa aheyd magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana loo soo wareejiyay magaalada caasimadda ah ee muqdisho.

Yaa kusoo baxay Doorashada kursigii Fahad Yaasiin ee Maanta ka dhacday Muqdisho?
To Top