WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Somaliland oo weli Madaafiic ku wada Laascaanood & Khasaaraha

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa weli magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku wada duqeymaha aan kala joogsiga lahayn oo ay ku garaacayaan gudaha magaaladaas, waxaana saaka ay ciidanka maamulkaas duqeymo ka geysteen halkaasi

Dhowr madfac oo ay kusoo tuureen ciidanka Somaliland Laascaanood ayaa ku habsaday guryo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ayaa  ku ddhaawacmay, halka ay jiraan dad ku dhintay madaafiicda saaka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu dagaal kooban maanta ka dhacay labo meelood oo ka tirsan magaalada Laascaanood, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda magaaladaas oo galay todobaadkii labaad oo xiriir ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalkan, kuwaasoo qaarkood u qaxay gudaha halka in ka badan 80,000 oo ruux ay ka tallaabeen xadka Itoobiya.

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa xasuuq ba’an ka geystay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana madaafiic ay ku garaaceen halkaas ku burburay dhismayaal farabadan, iyagoona weli wada dhibaatada xooggan oo ay u geysanayaan shacabka.

Ciidanka Somaliland oo weli Madaafiic ku wada Laascaanood & Khasaaraha
To Top