WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Somaliland oo madaafiic ku garaacaya Laascaanood & Dagaalka culus

Dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka degaanka iyo ciidamada maamulka Somaliland ayaa mar kale ka dhacay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno magaaladaas.

Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday, kadib markii ciidamada Maamulka Somaliland ay aroorrnimadii hore ee saaka weerar kusoo qaadeen saldhig ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin gudaha Laascaanood, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka culus.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, taas oo  kordhineyso khasaaraha iyo burburka.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.

Ciidanka Somaliland oo madaafiic ku garaacaya Laascaanood & Dagaalka culus
To Top