WARARKA SOOMAALI

Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faah faahin laga helay

Faah faahino ayaa laga helayaa qarax miino ah oo lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan laami yaraha Soobe, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka.

Gaarigaas ayaa qarxay, xilli uu marayay kasoo horjeeda Isbitaalka Aadan Cadde ee Muqdisho, isla markaana waxaa gaariga gaaray burbur, sida lagu arkaayay sawiro laga soo qaaday, ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa xiray aaga uu qaraxu dhacay.

Ugu yaraan hal qof aya ku dhaawacmay qaraxan, sidoo kalena ma cadda shaqsiga wadatay gaariga ee lala bartilmaameedsaday qaraxa.

Illaa iyo hadda laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ka hadlin qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan laami yaraha Soobe, iyadoona dib loo furay baaritaano kadib wadada uu qaraxu dhacay oo markii hore la xiray.

Qaraxaan ayaa qayb ka noqonayo qaraxyo kale oo horay uga dhacay Zoobe, kuwaas oo illaa iyo hadda sameyntooda laga dareemo waddadaas, maadaama ay dad badan ku dhinteen, kuwa kalen ay ku dhaawacmeen, dhismayaal badana ay ku burbureen halkaasi.

Qarax Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho & Faah faahin laga helay
To Top