WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Axmed Karaash oo Booqday Dhaawacyada Dagaalka M/Laascaanood

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ku booqday dadkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Somaliland ku hayso dadka magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga heer Wasiir ee Gurmadka Gobolka Sool iyo dhakhaatiirta gacanta ku haysa dhaawacyada, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladdu isaga xilsaarayso garab istaaga dhibaatada lagu hayo.

“Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay,inta dhaawaca ahna haw booga dhayo, dhammaantood waxay difaacayeen sharafkooda iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Isaga oo sii hadlaayay Axmed Karaash ayaa waxaa uu intaas kusii daray “Waa wax aan layskaga hari doonin in dad Shacab ah oo Masiirkooda ka tashanaya Xasuuq noocaas ah loo geysto”.

Dagaalada Laascaanood ku dhexmaraya ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa galay maalintii 13-aad oo xiriir ah, waxaana ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayaan goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah.

SAWIRRO: Axmed Karaash oo Booqday Dhaawacyada Dagaalka M/Laascaanood
To Top