WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa inuu Maanta ka furmo Shirweynaha 36-aad ee Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (African Union).

Shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadli doonaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada iyo waxa loogu yeero Argaggixisada.

Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo Wakiilo kala duwan oo ka kala socda Ururo Caalami ah iyo dalal kale ayaa Addis Ababa u tegay ka qeyb galka Shirweynaha, oo saacadaha soo socda ee Maanta furmaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah madaxda ku sugan Addis Ababa, waxaana ay shirka kusoo bandhigi doonaan ragtida Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shirka Midowga Afrika oo Maanta furmaya
To Top