WARARKA SOOMAALI

Weerar Dad lagu laayay oo ka dhacay Pakistan & Wararkii ugu danbeeyay

Ugu yaraan 3 dabley hubeysan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Xafiiska Taliyaha Boliska magaaladda Karachi ee dalka Pakistan.

Dabley la tirsan Kooxda TTP ayaa weerar ku qaaday dhismo 5 dabaq oo uu ku yaallo Xafiiska Taliyaha Boliska Karachi, waxaana Dagaal socday ku dhawaad 4 saacadood kadib la wada dilay dableydii.

Murtaza Wahaab oo ah Afhayeenka Gobalka Sindh oo ay Karachi Caasimad u tahay waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in 3-dii Argagixiso laga wada taqalusay, kadib, Dagaal socday 3 saac iyo bar.

Waxa kale oo uu sheegay in 4 qof ku dhinteen, halka 14 kalena la dhaawacay.

Dableyda ayaa waxaa la sheegay inay Gaari noociisu ahaa Toyota Corolla ku tageen Dhismaha Taliyaha Boliska magaalladda Karachi, iyadoo mid ka mid dableyda isku qarxiyey Dabaqa 4-aad, halka labada kale lagu dilay Saqafka Dabaqa 5-aad.

Hawlgalkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Ciiddan ka tirsan Boliska iyo Ciiddanka Tababaran ee Rangers. Kooxda Daalibaanta Pakistan ee TTP ayaa sheegatay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Dhismaha la weeraray oo ku yaalla jirka Shsrea Faisal ee magaalladda Karachi waxaa ku yaalla tiro Dhismooyin muhiim ah, sida Saldhiga Ciiddanka Cirka Pakistan ee Faisal Airforce Base.

Weerar Dad lagu laayay oo ka dhacay Pakistan & Wararkii ugu danbeeyay
To Top