WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Xero Ciidan & khasaaraha

Al-shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaaday Saldhig Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ay leeyihiin dagmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Xerada Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ee Afmadow, kadibna waxaa dhacay dagaal dhexmaray  labada dhinac.

Mid kamid ah gaadiidka Qaraxyada lagasoo buuxiyay ayaa ku qarxay Alabaabka hore ee xerada Daraawiishta halka gaariga labaad ay saraaiisha Ciidamada Jubbaland ay sheegeen in lagu qarxiyay banaanka hore ee Xeradàasi.

Mahad Maxamed Islaam Taliyaha Ururka Sagaalaad ee Ciidanka Daraasha Dagmada Afmadoow ayaa u sheegay Idaacadda VOA in lix Askari ay ku dhawacmeen weerarka balse qasaaraha ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in weerarka kadib uu dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo ragga Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, khasaaro ayaana lasoo weriyey inuu jiro.

DEG DEG: Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ku qaaday Xero Ciidan & khasaaraha
To Top