WARARKA SOOMAALI

Dagaal maalintii 5-aad ka socda Laascaano & Somaliland oo weli wada Duqeymo

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii shanaad uu xiriir ah halkaas uu ka socda dagaal xooggan oo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo ciidanka Maamulka Somaliland.

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa uu xoogiisa ka socdaa aagag ku dhow Saldhigyo ciidanka Somaliland ay kaga sugan yihiin duleedka Laascaanood, waxaana dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

In ka badan 50 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaaladii ka dhacay Laascaanood, Ciidanka deegaanka ayaa meelo dhowr ah ka riixay ciidanka Somaliland, kuwaasi oo doonaya inay soo galaan magaalada, balse lagula jiro dagaal adag.

Ciidamada Somaliland ayaa dhinaca kale madaafiic aan loo meel dayin ku garaacaya gudaha magaalada Laascaanood, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen goob-joogayaal ah.

Dagaal maalintii 5-aad ka socda Laascaano & Somaliland oo weli wada Duqeymo
To Top