WARARKA SOOMAALI

Rag dhac cusub ka bilaabay Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Taliska Boliiska Saldhiga degmada Dharkenleey ee Gobolkaan Banaadir ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo la sheegay in dadka Barackayaasha ah ee nool duleedka magaalada Muqdisho ku dhacayeen Kaarar Been-abuur ah.

Saraakiisha Booliska degmada ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ragga la qabtay ay dadka barackayaasha ah u sheegayeen in ay yihiin rag ka socda Hey’adaha ka shaqeeya Arrimaha gargaarka.

Taliska Booliska ayaa tilmaamay in ragga ay lacag min 10 dollar ah ka aruursanayeen dadka danyarta ah, kadibna u qeybiyay Kaarar been ah, una sheegayay  in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo Raashin.

Gudaha Saldhiga degmada Dharkenleey ee Gobolkaan Banaadir ayaa lagu soo bandhigay saddexda Ninka, kuwaasi oo gacanta ku haayay kaarar ay ku qoran yihiin Nambaro iyo magaca Kasmo

Rag dhac cusub ka bilaabay Magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay
To Top