WARARKA SOOMAALI

Kulan looga hadlay La-dagaalanka Lacag-dhaqidda oo ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgelinta argagixisada.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka warbixin ka siiyey hawlaha iyo qorsheyaasha hortabinta leh ee Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada.

Sidoo kale kulankaan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa looga hadlay dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya ee Al-shabaab.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay xubnaha Guddiga Qaran ee heer Wasiir iyo hey’adaha dowladda ee wadashaqaynta la leh guddiga.

Kulan looga hadlay La-dagaalanka Lacag-dhaqidda oo ka dhacay Muqdisho
To Top