WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidanka Dowladda oo Maanta la wareegay Degmada Xarardheere

Wararka aan ka heleyno degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ay Maanta la wareegeen degmadaas oo sanno badan ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qabashada degmada Xarardheere ay ku timid, kadib markii Al-shabaab ku sugnaa degmada ay isaga baxeen, isla markaana ay ka rarteen qalabkoodii.

Ciidanka Xoogga ayaa sidoo kale dib u qabtay magaalooyin dhowr ah oo muddo sannado ah ay maamuli jireen Kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo hoostaga Xarardheere

Si-kastaba, howlgal laga sameeyay Gobolka Galgaduud ayaa saaka Ciidanka Dowladda waxay kula wareegeen degmada Galcad oo qiyaas ahaan 375 km dhanka waqooyi uga beegan magaalada caasimadda Muqdisho.

DEG DEG: Ciidanka Dowladda oo Maanta la wareegay Degmada Xarardheere
To Top