WARARKA SOOMAALI

Puntland oo shaacisay inay Dagaal ku dishay Madaxdii howlgallada Daacish

Ciidanka Ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay  weerar ay kooxda Daacish ku qaaday Saldhig ciidanka Puntland ay ku leeyihiin degmada Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12-kii Bishaan January.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boloiska.

Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Daacish ku biiraan.

Puntland oo shaacisay inay Dagaal ku dishay Madaxdii howlgallada Daacish
To Top