WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo War kasoo saartay inay wada-hadal la galeyso Dowladda Somalia

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim ayaa shalay mar uu la hadlaayay warbaahinta sheegay in Al-shabaab ay wada-hadal kasoo codsadeen inay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in Al-shabaab khasaaro lagu gaarsiiyay dagaalka dowladda kula jirto, isla markaana laga qabsaday deegaano farabadan oo ay sanno badan ay ku sugnaayeen, oo haatan ay gacanta ku hayaan  ciidanka xoogga dalka.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa markii u horraysay ka hadashay hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee ah in Shabaab ay doonayaan inay wada-hadal la galaan dowladda.

Al-shabaab warar ku baahiyeen barahooda Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in aysan wax wada-hadal ah la gelin lana geli doonin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan jirin wax wadahal ah oo naga dhexeeya ama naga dhaxayn kara anaga iyo kooxda dabadhilifka u ah gaalada caalamiga” ayaa laga soo xigtay Al-shabaab sida ay qortay warbaahinta taageerta Kooxdaas.

Hadalkaas ayaa imaanaya iyadoo dagaallo culus oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka socdaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si kooxda looga saaro degaannada ay kaga hareen Gobolladaas.

Al-shabaab oo War kasoo saartay inay wada-hadal la galeyso Dowladda Somalia
To Top