WARARKA SOOMAALI

Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Somalia oo Guddoon doortay

Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow , ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS.

Doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada 1-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka koowaad ee Aqlka Sare  Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ka qayb galay Doorashada Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Somalia oo Guddoon doortay
To Top