WARARKA SOOMAALI

Muxuu RW Xamse ka yiri Baarista ku socota Saraakiisha loo xiray weerar Villa Rays?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay markii ugu horeeyay weerarkii dhawaan Al-shabaab ay ku qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo wareysi siiyay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in dhammaan la xiray Askarta iyo saraakiisha ee ku sugnaa baraha koontaroolada laga galo Madaxtooyada, habeenkii uu dhacaayay  weerarkii khasaaraha badan dhaliyey.

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka inay doonayaan in baaritaanka ku socda dadka xiran uu noqdo mid dhab ah, isagoo xusay in natiijo hordhac ah oo soo baxday lagu qanci waayay, isla markaana dib loogu laabtay.

“Dhammaan Ciidankii shaqada ku jiray ee joogay baraha control ee Madaxtooyada habeenkii uu dhacaayay qaraxa waa la xiray, baarisbaana ku socota, Waxaan dooneynaa in baaritaankaas dhabta laga gaaro” ayuu yiri  Ra’iisul Wasaaraha.

Xamse Cabdi Barre ma cadeyn tirada dadka loo heysto wixii dhacay iyo goorta lasoo gabagabeynayo baaritaanka ku socda, sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda maxkamad loo soo taagay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadayhotelka Villa Rays.

Muxuu RW Xamse ka yiri Baarista ku socota Saraakiisha loo xiray weerar Villa Rays?
To Top