WARARKA SOOMAALI

Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Laascaanood

Rag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Somaliland ay ku leeyihiin gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool gaar ahaan xaafadda Durdur ee magaaladaas.

Weerarka ayaa dhacay fiidkii hore ee habeenimadii xalay, waxaana weerarka kadib la maqlay rasaas xooggan oo ay is-dhaafsadeen ciidamada Booliska ee ku sugnaa Saldhiga la weeraray iyo raggii hubeysnaa oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Illaa saddex ruux oo shacab ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Saldhiga ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Somaliland ay ku leeyihiin magaalada Laascaanod, kuwaasi oo durbadii la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegay inay aad uga careysnaayeen xasuuqa ay ciidamada Somaliland ku hayaan dadka shacabka ee Laascaanood kunool, waxayna shacaka yihiin kuwa kasoo horjeeda maamulka Somaliland iyo dilalka qorsheysan

Xaaladda magaalada ayaa wali ah mid kacsan, waxaana halkiisa kasii socda dibadbaxyada ay dhigayaan shacabka, kaasoo ay uga soo horjeedaan ciidamadda Somaliland oo ku fashilmay iney wax ka qabtaan dilalka ka dhaca laascaanood.

Weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Laascaanood
To Top