WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo War kasoo saaray xaalada Magaalada Laascaanood

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo warbaahinta shir jaraa’id galabta u qabtay warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasuuqa ay  ciidamada Booliska Somaliland u geysteen dadkii banaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood.

“Xukuumadda Somaliland Waxaan u soo jeedinayaa in dad shacab ah oo Banaanbax dhigaya in Xabado lagu furo oo la dilo waa wax laga xumaado waana in la joojiyaa” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi xaashi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Bulshada magaalada Laascaanood ugu baaqay in ay is-dajiyaan isla markaasna aan la sameyn wax nabadda wax u dhibaya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Somaliland iyo Shacabka Laascaanood u soo jeediyay wada-hadal iyo in la joojiyo rabshadaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo War kasoo saaray xaalada Magaalada Laascaanood
To Top