WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Geelle iyo wufuud kala duwan oo kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay kusoo wajahan yihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana socda diyaar garoow ballaaran oo lagu soo dhaweynayo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Geelle iyo wufuud kala duwan oo ka socot dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo saacadaha soo socda imaanaya Muqdisho.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Jabuuti ee muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira ka qeyb galka furitaanka Xarunta Akadeemiyada Af-soomaaliga ee laga dhisay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxda kale ee imaaneysa Muqdisho oo ay kamid yihiin Madaxweynaha dhulka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo Wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Geelle iyo wufuud kala duwan oo kusoo wajahan Muqdisho
To Top