WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo War cusub kasoo saaray Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa AS

Taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn cirka ah oo jimcihii lasoo dhaafay diyaaradooda Mareykanka ka fuliyeen meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Taliska AFRICOM oo War kasoo saaray duqeynta dhacday ayuu sheegay in duqeynta lala beegsaday xubno ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa meel ku dhow degmada Cadale, isla markaana khasaaro la gaarsiiyay Shabaabka, waa sida la yiri.

Duqeynta Mareykanka oo ku timid Codsi dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, mana jiro khasaaro kale oo ka dhashay duqeyntaas, oo gaaray dadka shacabka ah ee goobta ka agdhawaa.

Waa duqeyntii saddexaad oo muddo maalmood gudahood ah ee diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ka geysteen gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Duqeynta koowaad oo dhacday 14-kii December ayaa waxaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, duqeynta labaad ayaa iyaduna dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay uu shaaciyay Taliska AFRICOM.

Mareykanka oo War cusub kasoo saaray Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa AS
To Top