WARARKA SOOMAALI

Dood la xiriirta Amniga oo Maanta mar kale harreeysay kulankii Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 5-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka dooda Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Xildhibaannadda Golaha Shacabka ayaa soo jeediyay in ajandaha lagu daro ka doodista amniga isla-markaana loo yeero wasiiradda Gaashandhiga iyo Amniga Gudaha si wax looga weydiiyo halka ay mareeyso dagaalka Al-shabaab.

Xubno ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa iyagana soo jeediyay in ka guddi ahaan ay ka shiraan. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa soo jeediyay in guddiga ay soo shiraan isla-markaana go’aan mideysan uso gudbiyaan Golaha.

Dooda amniga oo maalmo soo taagneyd ayaa dhalisay khilaaf horleh oo ka dhashay in loo yeero qaar kamid ah hay’adaha amniga, si ay hor yimaadaan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan ku kala aragti duwanaaday, taasi oo keentay in ajendaha amniga la laabo ama dib loo dhigo.

Dhanka kale xildhibaannadda ayaa dood adag ka yeeshay Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ay Guddiga Xeer-hoosaadka soo gudbiyeen qodobo dhowr ah kuwo wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo loo balamay in kulamada soo socda lagu dhameystiri doono dooda Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Dood la xiriirta Amniga oo Maanta mar kale harreeysay kulankii Golaha Shacabka
To Top