WARARKA SOOMAALI

Maamulka Lafta-gareen oo Amar culus ku dhawaaqay, xili uu wajahayo cadaadis weyn

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray amar ka dhan ah hubka sida sharci darrada loogu dhex wato gudaha magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay mamnuuc tahay in hub sharci darro wato Baydhabo, isla markaana hubka loo ogal yahay ciidanka amniga Maamulka.

Wasaaradda amniga ayaa caddeysay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo aan aheyn ciidanka ee hub ku dhex wadata Baydhabo, waxaana magaalada laga dalbaday inay laanaha amniga la shaqeeyaan.

Ciidamada Milateriga gaar ahaan qeybta 60-aad ee ka howlgala Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu amray inay ku ekaadan oo ay ku sugnaadan xeryahooda, ayna lagu dhex arki karin magaalada.

Amarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo uu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu dhammaaday muddo xileedkiisa afarta sanno aheyd, uuna wajahayo caqabado siyaasadeed.

Maamulka Lafta-gareen oo Amar culus ku dhawaaqay, xili uu wajahayo cadaadis weyn
To Top