Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyi wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo laga saaray Al-shabaab.
Ujeedka wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxaa uu yahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa, isla markaana indho-indheyn ugu sameeyn lahaa deegaannadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.
Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah goobaha uu booqan doono wafdiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana socota qaban qaabada soo dhaweynta wefdiga.
Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macwiisleyda, wuxuuna kala hadli doonaa dardar-gelinta howlgalada ka dhanka Al-shabaab ee ka socda Gobolka.
Ammaanka degmada Aadan-yabaal ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana halkaas saacadihii lasoo dhaafay gaaray ciidamo farabadan oo u badan kuwa ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagayo Xamse furimaha dagaalka.