WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cali Jeyte oo Go’aan lama filaan ah qaatay, kadib markii…

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga baxay Guddiga Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta Ciidamada dib u xoreynta Hiiraan, kaas oo horay loogu daray.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxaa uu ku caddeeyay inuu isaga baxay Guddiga lagu daray, isagoona ka hadlay sababta keentay inuu xilligaan iska casilo xubinimada Guddigaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddigan uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, islamarkaana uu noqday guddiga ay ka dhex jirto habacsanaan baahsan.

Sidoo kale ayaa waxaa uu go’aankan guddoomiyuhu ku socod siiyay madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa oo markii horeba u magacaabay xubinimada guddigaasi.

Guddoomiye Cali Jeyte oo Go’aan lama filaan ah qaatay, kadib markii…
To Top