WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo wada abaabul ka dhan ah MW Lafta-gareen

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka inaysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka looga xorreeynaayo Al-shabaab gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Guddoomiyaha uu abaabul ka dhanka ah Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ka wado degmada Xudur, isla markaana uu doonayo in meesha laga saaro Madaxweynaha Maamulkaas.

Dhinaca kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa isaguna ku howlan sidii uu uga hortegi lahaa qorshaha ay wadaan Guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin kale, waxaana uu kahor istaagay inay tagaan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee KGS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo wada abaabul ka dhan ah MW Lafta-gareen
To Top