WARARKA SOOMAALI

DEG DEG: Ciidamada xoogga oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay dagaal la’aan deegaanka Ceel-Muluq oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay isaga baxeen Ceel-Muluq, kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada huwanta ah ee xoogga dalka iyo macwiisleyda ah, iyagoonak shabaabka afka aadiyey deegaano kale oo ka tirsan Gobolka.

Maanta, ciidamada ayaa waxaa ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wadaan deegaanka Ceel-Muluq, isla markaana ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan ee soo galaya deegaanka iyo kuwa ka baxaya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howl-galka uu yahay xaqiijinta amniga iyo in laga hortago waxkasta oo dhib keeni kara, iyagoona intaas kusii daray inay wadi doonaan howl-galada

Toddobaad ka hor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka, kaasi oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada.

DEG DEG: Ciidamada xoogga oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen Al-shabaab
To Top