WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka NISA oo howlgalo culus ka fuliyay Muqdisho

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ay howlgalo ballaaran ka sameeyeen degmooyinka cirifyada sida: Deyniile, Kaxda iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir iyo deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Howlgalkii laga sameeyay ceelasha biyaha lagu beegsaday guri ku yaalla deegaankaas, isla markaana laga soo qabtay sida la tilmaamay laba nin oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ujeedka howlgalka ay sameeyeen waxaa ay ku sheegeen inuu ahaa mid doonayo in lagu xaqiijiyo amniga caasimadda Muqdisho, isla markaana laga hortego falalka amni darro ee dhaca.

Si kastaba Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa habeenadii lasoo dhaafay hordhiyey howlgalada ay ka sameeynayaan degmooyinka Gobolka iyo deegaanada duleedka Muqdisho, iyagoona sheegay in amniga lagu xaqiijinayo.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa kusoo batay falalka amni darro, sida qaraxyada iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan, xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka NISA oo howlgalo culus ka fuliyay Muqdisho
To Top