WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Puntland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil khasaaro geystay oo arroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ka dhacay deegaanka Farjano oo hoostaga degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee dowlad Goboleedka Puntland.

Shilkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca Soomaalida u taqaano maarkeed iyo gaari Candha-baydle ah, kaasi oo ku socday xawaare sare, iyagoona iskaga horyimid deegaanka Farjano.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhintay shilka, halka saddex kalena ay dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u sheegeen Saraakiisha ciidanka Nabadgalyada Puntland oo Qoraal kooban soo saaray.

Ciidanka booliska qaybta Nabadgelyada waddooyinka ayaa markiiba ka howlgalay iyagoo dhimashada iyo dhaawaca geeyay isbitalka wayn ee degmada Burtinle ,waxayna bilaabay baaritaan ku aadan sida uu shilka udhacay.

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil Maanta ka dhacay Puntland
To Top