WARARKA SOOMAALI

Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay Safiirka cusub ee Qatar uu Maanta la kulmay?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dowladood iyo labada shacab ee walaalalaha.

Safiirka cusub ee Dowladda Qatar, Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda sharafta leh ayaa sheegay inuu ka shqeyn doono xoojinta xariirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda, wuxuuna dhanka kale ugu hambalyeeyey dowladda Qatar sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka.

Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay Safiirka cusub ee Qatar uu Maanta la kulmay?
To Top