WARARKA SOOMAALI

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo sabab yaab leh ugu degi weyday Garoonka Diyaaraddaha Garoowe

 

Diyaarad xalay ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Garoowe ayaa dib ugu soo laabatay Muqdisho kadib markii ay degi weysay.

Diyaaradan oo siday mas’uuliyin kala duwan ayaa markii ay tagtay Garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir u suurto gali weysay in ay degto, waxa uuna ugu dambeyn duuliyihii diyaarada go’aamiyay in diyaarada Muqdisho dib ugu soo celiyo.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada ayaa u degi weysay leer la’aan garoonka diyaaradaha, waxaana duuliyaha diyaarada ku adkaatay in si caadi ah u dejiyo diyaaradda xilliga oo habeen ahaa.

Diyaarada ayaa Maanta dib ugu duushay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana diyaarada la socda masuuliyiin katirsan dowladda oo Garoowe u tagay ka qeybgalka aaska Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmo ah ku geeriyooday Garoowe

Diyaarad ka duushay Muqdisho oo sabab yaab leh ugu degi weyday Garoonka Diyaaraddaha Garoowe
To Top