WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo shaacisay khasaaraha Dagaalo lagu le’day oo ka dhacay Sh/Dhexe

Maamulka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaal beeleedyadii ka dhacay dhawaan deegaano hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe .

Wasiirka arrimaha dib u heshiisiinta Hirshabeelle Cabdullaahi Cadale oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaano hoostaga Cadale lagu dilay in ka badan 30 qof oo reer miyi ah, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiirka ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska dadkii ku dhintay dagaaladii dhacay, wuxuuna odayaasha dhaqanka iyo culumada ugu baaqay in colaadaan ay ku baxaan, si loo demiyo, maadaama dad walaalo ah ay isku laayeen Gobolka.

Wasiirka Cabdullaahi Cadde ayaa sheegay in colaada halkaas ka jirta ay dhowr weji leedahay, “Sanadihii dambe qabaa’ilku siyaabo kala duwan ayey u dagaalameen, qeyb dhul beereed isku heysata, qeyb daaqsin isku heysata iyo kuwa waxa ay isku dilayaan aan garaneyn ayey isugu jiraan dadkaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in maalmaha soo socda Cadale la dhigayo gogol xal looga gaarayo colaadaan, taas oo madaxweynaha HirShabeelle uu garwadeen ka noqonayo.

Hirshabeelle oo shaacisay khasaaraha Dagaalo lagu le’day oo ka dhacay Sh/Dhexe
To Top