WARARKA SOOMAALI

Tirada khasaaraha Qaraxii Turkiga oo korortay & Dad farabadan oo gacanta lagu dhigay

Booliska Turkiga ayaa xiray 22 qof oo lagu eedeynaayo in ay lug ku leeyihiin qaraxii ka dhacay bartamaha Istanbul ee  dhaliyay ugu yaraan dhimashada 8 qof iyo dhaawaca 81 kale, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidankaasi.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleyman Soylu ayaa qaraxaasi ku eedeeyay xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers Party (PKK),wuxuuna intaa ku daray in la hayo qof in muddo ah ku sugnaa goobtii la dhigay qaraxaasi.

 

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii ku tilmaamay qaraxaasi mid khiyaamo ah oo salka ku haya fal al argagixiso

 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ka dhacay waddo mashquul badan oo ku taal magaalada ugu weyn Turkiga.

Tirada khasaaraha Qaraxii Turkiga oo korortay & Dad farabadan oo gacanta lagu dhigay
To Top