WARARKA SOOMAALI

Xiisad Dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Sh/Dhexe iyo Guudlaawe oo…

Wararka aan ka heleyno degmada Cadale gaar ahaan  deegaano hoostaga degmadaas ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed hubeysan oo shalay uu dhexmaray dagaal xooggan oo khasaaro dhaliyey.

In ka badan 5 qof oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkii dhacay, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka oo salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil oo horey uga dhacday degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo guuleystay oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Xiisad Dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan Sh/Dhexe iyo Guudlaawe oo…
To Top