WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Sheekh caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Imaamka masaajid ku yaalla degmadaas oo lagu magacaabi jiray AUN Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Sheekh Cabdicasiis oo Imaam ka ahaa masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa sida ay sheegeen goobjoogaal u geeriyooday xabbado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona durbadii ku naf-waayay goobta uu falka ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha gudaha, Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa ka hadlay dil xalay loo geystay Sheekh Cabdi Caziz Maxamed Xersi oo ahaa Imaamka iyo Khadiibka masjidka Dabaqaynka, ee degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasiir Axmed Fiqi ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelladdii iyo qaraabadii uu ka baxay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xersi oo tirsanaa Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kalana ahaa Imaamka masjidka Dabaqaynka.

Sheekh Cabdicasiis ayaa rag hubeysan oo watay Basoolad waxaa ay dileen, xilli uu kasoo baxay masaajidka, isla markaana falka kadib goobta ka cararay, dilka Sheekh ayaa kamid noqonaya dilal qorsheysan oo horey uga dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay Sheekh caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top